Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada NISA oo soo bandhigay Shabakado falal amni darro ka waday Jubaland.

Axad 5, May 2024 {HMC} Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka dowladda Jubbaland ee JISA ayaa mid kamid ah xarumaha hay’adda waxa ay ku soo bandhigtay 20 nin oo dukumintiyo sharci darro ah u adeegsanayay gaadiidkooda maadaama ay ka mid ahaayeen gaadiidlayda ka shaqeeya magaalada Kismaayo, ee tagaasida ah.

Sidoo kale hay’adda waxa ay sheegtay inay gacanta ku hayso shabakad documentiyada sharci darrada ah ee gaadiidka ka shaqaysa oo raggan la soo bandhigay ay xiriir macaamil la lahaayeen, kuwaasi oo imika uu baaritaan ku socdo, marka baarista la dhammeeyana la soo bandhigi doono.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka Jubbaland, Maxamed Cabdi Salaad oo madasha raggan lagu soo bandhigayay kula hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in raggani ay wajihi doonaan caddaaladda, maadaama lagu qabtay falal ka baxsan ammaanka iyo shuruucda gaadiidka, isagoo sidoo kale uga digay gaadiidlayda kale inay ku dhacaan arrintan oo kale.

Hay’adda JISA ayaa dedaal ku bixinaysa sidii bulshada Jubbaland ay ugu naalloon lahaayeen nabad iyo baraare, waxaana taas baddalkeeda ay hay’addu gacan bir ah kala hor tagaysaa cid kasta oo samaysa khalkhal galin amni, ama wax u eg.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA