Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Doorashada Duqa Magaalada London oo lasoo gaba gabeeyay iyo Sadiiq Khaan oo markale guuleystay

Axad 5, May 2024 {HMC} Xili lasoo gaba gabeeyay doorashada duqa magaalada London ayaa waxaa markale la shaaciyay inu ku guulaystay xilkaas kaddib markii si hordhac ah loogu dhawaaqay natiijada kasoo baxday doorashada ka dhacday Magaaladaas.

Ninkaan Ku dhashay Koofurta Magaalada London ayaa xilkaan qabtay sanadkii 2016kii waxaana uu isbaddel wayn oo dadku aad ula riyaaqeen uu ka hirgeliyay Magaaladaas oo dhanka kale ah xarunta Boqortooyada Ingiriiska.

Dad badan ayaa u arkay dib u doorashadiisa in ay sabab u tahay isku dhex wadista bulshooyinka kala duwan ee ku nool Dalkaas iyo in uu meesha ka saaray waxyaabihii ay ka cabanayeen Dadka uu duqa magaalada u yahay ee horay u taagnaa.

Sidoo kale Sadiiq ayaa u mahadceliyay Dadkii u codeeyay waxaana uu sheegay in markale uu dhexda u xiran doonno waxyaabaha ay ka eeganayaan Dadkaas ee sababta u ah in uu mar saddexaad uu noqdo Duqa Magaalada London.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA