Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweynaha Shiinaha oo booqasho ku Tagay Dalka Faransiiska

Axad 5 April, 2024 {HMC} Xi Jinping, Madaxweynaha Dalka Shiinaha,  ayaa gaaray dalka Faransiiska, waana booqashadiisii ​​ugu horreysay ee uu ku tago dal ka tirsan Midowga Yurub muddo shan sano ah.

 

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisad ka taagan tahay ganacsiga, iyadoo Midowga Yurub uu ka fikirayaan inay canshuuro ku soo rogo gawaarida korontada ku shaqeeya ee Shiinaha la keeno, iyadoo Beijing ay sidaas oo kale ku sameyneyso badeecadaha caanka ah ee loos dhoofiyo dalkeeda.

 

Xiisadda caalamiga ah ayaa la filayaa inay si weyn u hareeyso marka Mr Xi uu la kulmo madaxweyne Macron iyo Ursula von der Leyen maalinta Isniinta.

 

Faransiisku waxa uu jeclaan lahaa in Shiinuhu uu Ruushka ku cadaadiyo in uu joojiyo dagaalka uu kula jiro wadanka Ukraine.

 

Balse falanqeeyayaashu,waxay u arkaan arimahan mid aan suurtogal ahayn. (Dabayaaqada usbuucan, Mr Xi wuxuu booqan doonaa Serbia iyo Hungary labaduba waxay xiriir dhow la lahaayeen Moscow).

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA