Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxeey Kawada Hadleen RW Xamsa iyo Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta?

Axad-05-may -2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al Rumaithi.

Kulanka ay yeesheen Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo Safriirka Imaraadaka Carabta ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Waxa ay sidoo kale kulanka uga wada hadleen sidii dowladda Imaraadka Carabta u kordhin laheyd taageerada dhaqaale ay siiso Soomaaliya, iyo sidii ay u taageeri laheyd ciidanka dowladda ee dagaalka kula jira Al Shabaab.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya , saameyn weyna ku leh siyaasadda iyo maamulka dalka, waxa ayna Imaaraadka dowladda ku taageertaa dhaqaale kala duwan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA