Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

Nama qabato ”Adiga iyo ubadkaagu xaq iyo xerr midna kuma lihidin dalka” gabar ugardhigatay Baarlamaanka.

Axad 5, May 2024 {HMC} Waxa aan ahay gabadh Soomaaliyeed oo aan weligeed wanaag maahine, wax dhiba geysan, waxa aan ka hayaamey dalkaygii anigoo naf la carar ah, waxa aan tegay dal shisheeye oo aan dalkaygii ahayn.

Waxa aan galay sidaan nafteyda u horumarin lahaa, weligay bulshadeyda diinteyda iyo dhaqankayga kama guurin, magaca Soomaaliyeed wax aan taro maahine waxba uma dhibin

Hadda waxa aan ahay marwo la qabo, waxaa aan wax ku bartey oo wax la bartey dadyoow shisheeye ah maadaama aan yaraa dalka aan joogana Soomaalidu ku yarayd iyagaan la macaamiley oo xidhiidh naga dhaxeeyey.

Ugu dambeyn markaan dhammeystay waxbrashadeydii waxa aan xidhiidh yeelanay wiil caddaan ah oo yurubiyaan ah, waanu is afgaranay, waxaanna ku heshiinay inaan nolol wadaagno.

Waxa uu soo marey sidii diinta iyo dhaqanku oggolaayeen oo ah inuu reerkayga iga doonto iina guursado sida gabadh Muslim ah loo guursado.

Wiilku waa Muslim balse waa Yurubiyaan, taasi waa tan koowaad, waanna midka calafku ii galay ee Eebbe isku kaa qorey anigoo Afrika geeskeeda ka imid inaan badhtamaha Yurub ku kulano.

Ilaa maanta dalka iyo dibadda waxaa aan u taaganahay taageerada iyo taakuuleynta bulshadeyda anigoon u eegin gobolka iyo beesha uu yahay.

Waxa aan ilaa hadda gacanta ku hayaa waalidkay oo aan waajibkii ubad lagu lahaa gutaa, sidoo kale inta aan gacan la gaadho ee dadkayga ah.

Waxa aan hadda la murugaysanahay in baarlamaanka Soomaaliya yidhaahdo, Gabadha Soomaaliyeed ubadkeeda ma aqoonsani haddii uusan Soomaali ahayn.

Arrinta kale ee la yaabka leh baa ah, In wiilka Soomaaliyeed ee guursada gabadh reer kale ah uusan sharcigaasi qabanayn.

Haddaba maxaan galabsadey oo dalkayga xuquuqdii aan ku lahaa layga duudsiyey. ma dambi iyo dakano ayaan galay?

Bulshada Soomaaliyeed waxaa burburiyey waa garsoorxumo iyo sinaan la’aan, tanina waxa ay qayb ka tahay caddaalad darradii hore u jirtey.

Haddii uusan qof walba oo Soomaaliyeed helin xaqiisa waxaa iman doonta in la waayo dad lexejeclo dalka ka leh maxaa yeelay haddii qof walba tabashadiisa aan la dhegaysan
Waxaa dhici doonta in laysu garaabi waayo waa tii gabyaagu ku gabyey
“Rag caddaalad waaya sidii Cawsha kala yaac.”

Haddii gabadha Soomaaliyeed ee iyadu aan dooran in ay qaxdo aan dooran in ay dal shisheeye tagto ee duruufta ragga Soomaaliyeed sababeen darteed dal iyo dad shisheeye magansatay haddana la yidhi “Adiga iyo ubadkaagu xaq iyo xerr midna kuma lihidin dalka saw maaha gardarro loo badheedhay.?

Guud ahaan bulshada Soomaaliyeed waxa aan weydiinayaa maxaan galabsaday? Maxay tahay godobta aan galay ee lay gawdhiyey gaarna laygu saaray?

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

{DAAWO MUUQAALKA} Halkii lagu jebiyay Soomaaliland ee Gooja_cadde oo xus maanta lagu qabtay.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Halkii lagu jebiyay Soomaaliland ee Gooja_cadde oo xus maanta lagu qabtay. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/g7a5yA-mrVw

WARARKA