Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

Safiirka UK ee Soomaaliya oo madaxweyne Deni kala hadlay xal u helidda muranka dib u habaynta dastuurka

Axad, 5 April, 2024 {HMC} Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya ayaa la kulmay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyagoo ka wada hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dib u habaynta lagu sameeyay dastuurka dalka.

Madaxweynaha Puntland iyo safiirka UK ayaa yeeshay wada hadal ku saabsanaa muhiimadda ay leedahay in laga wada xaajoodo dib u habeynta dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

“Iyagoo xoogga saaraya muhiimadda wadahadalka, labada dhinac waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in laga wada hadlo arrimaha muhiimka ah sida dib u habeynta dastuurka,” ayaa lagu yiri qoraal lagu faafiyay bogga X ee safaaradda UK ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda UK oo qeyb ka ah saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya, ayaa doonaysa in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, si loosoo celiyo wada shaqaynta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Puntland.

Dowladda federaalka ayaa dhawaan sheegtay in ay dadaal badan ku bixisay sidii loo hagaajin lahaa xiriirka Puntland, si uu u noqdo xiriir sharci ah oo ku saleysan danta dadka iyo dalka.

Puntland oo kasoo horjeedda wax ka beddelka dastuurka ayaa xiriirka u jartay dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay kalsoonidii kala noqotay dowladda federaalka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA