Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Sayid-cali oo maanta mar kale la hor geynayo maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir.

Axad 5, May 2024 {HMC} Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa maanta mar kale la hor geynayaa maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir,

Maxkamadaan ayaa horay u dhageysatay dacwadda kiiska Sayid-cali, balse mar kale ayaa maanta la horgeynayaa si dhageysiga dacwadiisa horay loogu sii amba qaado.

Sayidcali, isaga ayaa dalbaday maxkamadda racfaanka, kadib markii u uku qanci waayey xukunkii dilka ahaa ee maxkamadda gobolka Banaadir ay ku riday.

Ninkaan ayaa gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis, waxayna u geeriyootay dhaawac culus oo ka soo gaaray dab uu qabadsiiyey, balse waxay dood ka taagan tahay qaabka uu ninkaan dabka u qabadsiiyey xaaskiisa.

Sayid-Cali ayaa ku dooday in gurigiisa uu gubay, isla markaana xaaskiisii Luul ay gashay guriga oo gubanaya, markii uu dabku qabsaday ayuu sheegay inuu ku dadaalay badbaadinteeda, ilaa isagu uu gubtay.

Gacan iyo wajiga ayuu ka gubtay Sayid-Cali, waxaana la waayey marqaati ku cadeeya in gabadha xaaskiisa aheyd u uku tala-gal u gubay, balse baaritaanada xeer ilaalinta iyo qoyska Luul ayaa maxkamadda gobolka ku qanciyey in ninkaas lagu xukumo dil toogasho ah.

Hadda kiiskiisu wuxuu u gudbay maxkamadda racfaanka, waxay horay kiiskaan u dhageysatay hal mar, waxaana maanta suurtagal ah inay ka soo saarto xukun.

Hadii mar kale Sayidcali ay maxkamadaani ku xukunto dil toogasho ah, waxaa u furan inuu mar kale qaato racfaan oo kiiskaan uu u gudbo maxkamadda sare ee dalka.

Qoyska Luul Cabdicasiis oo diidanaa inay aastaan meydka ayaa ku qancay xukunkii dilka ahaa ee maxkamadda gobolka Banaadir ay ku riday Sayid-Cali, taasi oo sababtay in markii dambe meydka la aaso, in kastoo markaas uu reerku ogaa go’aanka uu racfaanka ku qaatay Sayid-Cali.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA