Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay iskaashiga Amniga, Ganacsiga iyo Waxbarashada.

Axad 5, May 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac oo ku sugan Dalka Gambia ayaa Magaalada Banjul kulan gaar ah kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Turkiga Hakan Fidan oo ay kawada hadleen xaaladda iyo xiriirka labada dhinac.

Qoraal kooban oo Dowladda Federaalka Soomaaliya kasoo saartay kulankaan waxa ay ku sheegtay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac & Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ay isku fahmeen xoojinta qodobadii ay kawada hadleen.

Si gaar ah waxa ay labada Mas’uul uga wada hadleen Iskaashiga Amniga, Dhaqaalaha, Ganacsiga & Waxbarashada oo labada Dowladood iska kaashanayeen tan iyo sanadkii 2011kii oo xiligaas Turkigu uu Dalka kusoo galay caawinta dadkii abaartu saamaynta taban ku reebtay.

Muqdisho iyo Ankara waxaa ka dhaxeeya xiriir xooggan iyada oo Dowladda Turkiga ay Soomaaliya u tababartay ciidamo gaar ah oo isugu jira Kumaandoos iyo Booliis kuwaas oo ka howlgalla gudaha Dalka.

Dhowaan waxa ay labada Dowladood ay kala saxiixdeen heshiis dhinaca difaaca badda waxaana haatan billowday dhaqangelinta heshiiskaas oo muddada uu soconayo lagu tababarayo ciidamo Soomaaliyeed oo Mustaqbalka Amniga Baddooda la wareega.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA