Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Burcad badeedda Soomaalida oo isku diyaarinaayo weerarro ka dhan ah maraakiibta.

Isniin 6 May, 2024 {HMC} Warbixin ku saabsan khatarta burcad badeedda ee xeebaha Soomaaliya oo kasoo baxday howlgalka Midowga Yurub ee ATALANTA ayaa lagu sheegay in ay sare u kacday dhacdooyinka sii kordhin kara khatarta burcadbadeednimada Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa sheegay in burcad badeeddu ay bilaabeen afduubashada doomaha dheereeya, si ay ugu isticmaalaan si ay weeraro uga soo qaadaan meelo 600nm u jira xeebaha Soomaaliya.

“Inkasta oo aysan jirin dhacdooyin la xiriira budhcad-badeednimo todobadii maalmood ee la soo dhaafay, haddana bixinta madaxfurasho waxay abuuri kartaa mowjad cusub oo afduubasho ah,” EU NAVFOR ATALANTA ayaa sidaas yidhi.

Howlgalka ATALANTA ayaa sheegay in la qiyaasayo in ugu yaraan labo koox oo burcad badeed ah laga yaabo in ay ka shiraacdaan xeebaha Soomaaliya, iyagoo isku diyaarinaya weerarro ka dhan ah maraakiibta ganacsiga.

Ciidamada badda ee Yurub ayaa sheegay weerarrada burcad-badeeddu ay yihiin kuwo macquul ah oo mar walba dhici kara. Waxay sheegeen in ay muhiin tahay in maraakiibta ka howlgala Galbeedka Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed, gaar ahaan kuwa u jira 700nm ee xeebaha Soomaaliya ay u hoggaansamaan talooyinka amniga,.

Bishii March ee sannadkan, Markab laga leeyahay dalka Bangladesh ayaa laga qaatay lacag madax furasho ah oo lagu sheegay 5 milyan oo dollar, taasoo ah madax furashadii ugu horraysay tobanaan sano ka dib la siiyo burcad badeedda Soomaalida.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA