Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO MAANTA KULAN KA YEESHAY AMNIGA

Isniin 6 may, 2024 {HMC} Shirka Gollaha Wasiirrada waxaa maanta shir-guddoomiyay ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar {Dabageed} waxana diirrada lagu saaray arrimo dhowr ah.

Ugu horreyn waxaa warbixin laga dhageystay Wasaarrada Amniga Guddaha oo si faahfaahsan u soo gudbisay xaaladdihii amni ee ugu dambeeyay iyo halka uu maarayo baacsiga AS.

Sidoo kale Wasaarrada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa Gollaha Wasiirrada la wadaagtay bandhig dhaqameed ay toddobaadkan ku qabatay degmada Aaden Yabaal oo ka mid ah goobaha laga xorreeyay AS.

Wasaarrada Cadaallada ayaa tilmaamtay in horumar weyn laga sameeyay dhinaca Garsoorka oo muddooyinkii dambe horumarin iyo balaarin ay ku socotay.

Wasaarradaha Arrimaha Guddaha, Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada iyo Xanaannada iyo Xoolaha ayaa soo gudbiyay waxqabadkooda iyo halka ay wax u marayaan.

Ugu dambeyn Madaxweyne Yuusuf Dabageed ayaa faray Gollaha Wasiirrada in la dardargeliyo dhammaan howlaha hor-tebinta u leh Dowladda Hirshabeelle.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA