Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Nairobi.

Isniin 6 may, 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminaya wafdi ballaaran, ayaa saakay u ambabaxay Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Xamse Barre iyo wafdiga la socda ayaa magaalada Nairobi u tagaya booqasho rasmi ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya oo xiriir qoto dheer leh.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa inta uu joogo magaalada Nairobi la kulmi doona madax katirsan dowladda Kenya, kuwaa uu kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal ka dhaxeeya.

Xamse Barre ayaa sidoo kale la filayaa in magaalada Nairobi kula kulmo ganacsatada Soomaalieed iyo jaaliyadda Nairobi ku dhaqan , kuwaa uu iyana uga warbixin doono xaaladda dalka ku sugan yahay .

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA