Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ruushka oo duqeeyay gobollo ku yaalla Ukraine

Isniin 6 may, 2024 {HMC} Ciidamada Ruushaka ayaa duqeymo cirka ah u geystay ciidamada Ukraine ee ku suggan gobollada Donetsk iyo Kharkiv Axaddii shalay, weeraradaas oo ay ku dhinteen saddex qof, ugu yaraan 17 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay saraakiisha Ukriane sheegeen.

Duqeynta Ruushka oo u adeegsaday gantaalada hawada laga hago oo laga soo tuuray dayuurad, ayaa ku soo aaday xilli labada wadan laga xusayay ciidda Easterka ee masiixiyiinta Ortodokska.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay Axadii in ciidamadeedu ay la wareegeen tuulada Ocherete-nne oo ay ku nool yihiin 3,000 oo qof.

Ciidamada Ruushka ayaa ku sii siqaya bariga Ukraine, gaar ahaan agagaarka magaalada istiraatiijiga ah ee Chasiv Yar, halkaas oo ciidamada Kyiv ay sugayeen gargaarka militariga Mareykanka oo ka caawinaya inay dib u riixaan ciidamada Ruushka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA