Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Saddex sanno ka dib Dadka reer Chad ayaa maanta u dareeraya goobaha codbixinta.

Isniin 6 may, 2024 {HMC} Dadka reer Chad ayaa maanta u dareeraya goobaha codbixinta Saddex sanno ka dib markii hogaamiyihii milatariga uu la wareegay talada dalkaas.

Waana markii ugu horeysay ee ay doorashadan madaxtinimo ka dhacda gobolka Saaxil ee Afrika tan iyo markii ay halkaasi ka dhaceen mowjado afgambi oo is xigxigay.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Mahamat Idriss Deby, oo xukunka la wareegay bishii April 2021-kii markii ay fallaagada dileen aabihii Idriss Deby, ay u badan tahay inuu doorashada ku guuleysto, inkastoo hoggaamiyaha mucaaradka uu soo jiitay taageerayaal ka badan intii la filayay, intii uu ku jiray Ololaha doorashada.

Deby ayaa ballan qaaday inuu xoojin doono amniga, sharciga iyo kordhinta wax soo saarka korontada. Codbixintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ciidamada Maraykanka ay si ku meel gaar ah uga baxayaan dalka Chad, oo ah xulafada muhiimka u ah reer galbeedka ee gobolka Galbeedka iyo Bartamaha Afrika.

Gobolkan ayaa waxaa xodxodasho siyaasadeed ku haya Ruushka, waxaana uu dhibaato amni ku qabaa kooxaha jihaadiyiinta ah.

Goobaha cod bixinta ayaa furmaya goor dhow oo 7-da aroornimo ah waxayna xirmayaan 5-ta galabnimo Ilaa 8 milyan iyo bar qof ayaa isu diwaangaliyay inay codeeyaan.

Natiijooyinka ku meel gaarka ah ayaa la filayaa inay soo baxaan 21ka bishan May, halks natiijada kama dambaysta ah la filayo in lagu dhawaaqo 5ta bisha June 5.

Haddii aanu jirin murashax ku guulaysto in ka badan 50% codadka, wareeg labaad ayaa la qaban doonaa June 22keeda.

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Madaalle ” Wax la Aqbali Karo maaha waxaa ka Jiro Xamar-Weyne.”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Gudoomiye Madaalle " Wax la Aqbali Karo maaha waxaa ka Jiro Xamar-Weyne." HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Kulan looga hadlayay dagaalka A.S looga sarayo deeganno hoostaga Xarardhere oo lagu qabtay Muqdisho

Sabti 27 July 2024 {HMC} Kulan looga hadlayay dagaalka A.S looga sarayo deeganno hoostaga Xarardhere oo lagu qabtay Muqdisho HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA