Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Somaliland oo sheegtay in ciidanka TURKIGA aysan imaan karin xeebaheeda.

Isniin 6 may, 2024 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud oo warraysi gaar ah siiyay BBC Somali ayaa sheegay in ay ku wargeliyeen Turkiga in ayna iman karin xeebaha Somaliland.

“Turkiga waan u sheegnay in aanay xeebaha Somaliland soo gali karin, waana ogyahay in Somaliland xeebaheeda u taliso – Soomaaliyana ayna u talin. Wax haba yaraatee aanu warwar ka qabnana ma jiro,” ayuu yidhi wasiirka isaga oo aan waxka weydiinnay sida uu u arko heshiiska difaaca ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in uu meel gabagabo ah marayo hirgelinta is-af-garadkii Badda Cas ee u dhexeeyay iyaga iyo Dowladda Itoobiya.

Is-af-garadkaan muranka badan dhaliyay ee ay bishii koowaad ee sanadkaan maalintiisii koobaad ay la gashay dowladda Itoobiya, kaas oo dhigaayay in Somaliland aqoonsi buuxa ka hesho Itoobiya halka dowladda dhexe ee Itoobiyana laga kireynayo saldhig ciidamo badeed oo ay ku yeelanayso gudaha Somaliland.

Heshiiskan ayaa aad uga cadhaysiiyay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya sababayna in xidhiidhka diblumaasiyadeed ee labada wadan uu gabi ahaanba meesha ka baxo.

Sidoo kale Midowga Afrika ayaa kasoo horjeedsaday is-af-garadkaan dhacay, wadamo badan sida Maraykanka, Turkiga, Ururku Jaamacadda Carabta iyo kan Midowga Yurub ayaana soo saaray baaqyo ay ku sheegayaan ahmiyadda ay leedahay xurmeynta madax bannaanida iyo gobonimada dhuleed leedahay.

Saamaynta heshiiska ka dhalatay keliya kuma ekayn wadamada ka baxsan Somaliland ee qudha balse waxuu saamayn kale oo gudaha ku yeeshay xukuumada Hargeysa.

Waxaana is casilay Wasiirkii Gaashaandhiga ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, isaga oo sheegay in is-afgaradkaan ay Somaliland la gashay Itoobiya ay ahayd in golaha wasiirrada lagala tashado heshiiska ay Somaliland la gashay Itoobiya oo ah dal daris ah oo aan bad lahayn.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay heshiiskaan mid aan gabi ahaanba jirin lana aqbali karin, waxayna sheegtay in is-af-garadkani yahay mid xad gudub ku ah shuruucda caalamiga ah madaxbannaanida iyo gobanimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Fagaarayaal kala duwan ayayna madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya uga hadleen. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaana si adag uga hadlay, waxaa sidoo kale ka hadlay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Labada gole ee barlamaanka Soomaaliya oo ka fadhiistay arrintan guud ahaanba waxay qaadaceen heshiiska iyagoo qeexay in ay tahay xad gudub ka dhan ah qaranimada Soomaaliya.

Gudaha Soomaaliyana waxaa ka dhacay bannaanbaxyo looga soo horjeedo is-afgaradkaas waxaa ugu waaweynaa kuwo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, isu soo baxayaasha ayaana muujinaayay halhaysyo ay kamid yahiin ”Badeennu beec ma’aha!
Go’aankii ugu danbeeyay ee looga soo horjeedsaday heshiiskaas waxuu ahaa mid ka dhacay caasimadda Dooxa ee dalka Qatar.

Kalfadhiga Saddexaad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta oo ay la leeyihiin Waddamada Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan oo lagu qabtay 30-kii Abriil, 2024 dalka Qatar, ayaa lagu caddeeyay taageerada amniga, xasilloonida, midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Waxay sidoo kale ku taageereen dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto ilaalinta madax banaanida Soomaaliya ee dhulka, badda iyo hawada, sida lagu sheegay Bayaanka Doha oo ka kooban 16 bog.

“Waxay cadeeyeen in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay si sharci ah u difaacdo dhulkeeda sida ku cad qodobka (51) ee Axdiga Qaramada Midoobay, iyo qodobbada khuseeya Axdiga Jaamacadda Carabta, ayna taageeraan. dhismaha hay’adaha dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka Shirka Golaha Wasiirada kasoo baxay ayaa boggiisa sagaalaad lagu sheegay in ay si buuxda u taageerayaan mawqifka Dowladda Soomaaliya waxaana bayaanka lagu qeexay in uu yahay tallaabo khatar ku ah amniga qaranka Carabta.

“Wasiirradu waxay muujiyeen diidmada ay ku diideen is-af-garadkaan iyo wixii sharci, siyaasad, ganacsi ama millatari oo ka dhasha, waxayna ku booriyeen dhammaan dalalka inay cambaareeyaan oo ay diidaan qoraalkan. Waxa kale oo ay diideen isku dayo ay ku doonayeen in ay uga faa’iidaystaan “Heshiiskii Is-afgaradka” ee aan soo sheegnay oo ahaa in xaqiiqo cusub oo juqraafiyeed laga abuuro Gacanka Cadmeed, xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas, waxayna u arkeen tallaabo khatar ku ah amniga qaranka Carabta iyo socdaalka Badda Cas. Badda iyo Gacanka Cadmeed,” ayaa lagu yidhi bayaanka oo ay barta X soo gelisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Balse Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Iskeed Madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud waxuu sheegay in uusan khusayn warsaxaafadeedkaas meel walbana ay u galayaan raadinta aqoonsiga Somaliland.

“Nama khuseeyaan waxii [Shirkii] Dooxa kasoo baxay, qadiyadayaduna halkii bay taagantahay. Dalalkan carabta ee meesha isugu yimid ma’ay darsin qadiyadda Somaliland – ma’ay arkayaan xaqiiqadda Somaliland – waxa noo dan ahna waa in nala aqoonsado meel walba oo ay nala tagtana waan galaynaa.”

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {19.05.2024}

Axad May, 19, 2024 (HMC)  Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali...

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

WARARKA