Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Xaaladda Kenya oo sii adkaatay iyo madaxwaynaha dalkaasi oo ku dhawaqay arrin cabsi leh.

Isniin 6 may, 2024 {HMC} Xaaladda ka taagan dalka Kenya ayaa kasii dareysa kadib roobabkii lixaadka lahaa ee ka da’ay halkaasi.

Saraakiisha ayaa ku qiyaasay in ka badan 200 oo qof in ay ku dhinteen Kenya tan iyo bishii March, iyada oo 90 kalena la la’yahay.

Kenya oo la daala dhacaysa fatahaado ay dad badan ku dhinteen ayaa geesta kale waxaa laga cabsi qabaa inay wajahdo duufaantii ugu horreysay abid, sida uu sheegay madaxweynaha dalkaasi William Ruto.

“Kenya waxaa laga yaabaa inay wajahdo duufaantii ugu horreysay abid,” ayuu madaxweyne Ruto u sheegay muwaadiniinta isagoo khudbad heer qaran ah u jeediyay dalkaasi, iyada oo xaaladda taagan ay saameysay boqollaal kun oo qof.

Ruto oo Jimcihii hadlay ayaa sheegay in aysan jirin meel kamid ah dalka oo ka badbaadiyay “bur-burka”, wuxuuna ka digay in xaaladda la filayo inay kasii darto maalmaha soo socda, iyadoo la filay cimillo aad u daran.

“Duufaantan oo lagu magacaabo Hidaaya, waxay dhici kartaa wakhti kasta, waxaana la saadaalinayaa inay sababi karto roobab mahiigaan ah, dabaylo iyo mowjado xooggan oo khatar ah kuwaasi oo laga yaabo inay carqaladeeyaan dhaq-dhaqaaqyada badda ee Badweynta Hindiya iyo deegaannada ku teedsan xeebaha Kenya,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Dalkeennu waa in uu si adag oo deg-deg ah uga jawaaaabaa saameeynta dhibaatada ka dhalan karta, lana ilaaliyaa nafta iyo hantida.”

Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in dhammaan dugsiyada la xiro muddo aan la cayimin kadib roobabkii lixaadka lahaa ee dalkaasi ka da’ay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA