Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maamulka Soomaliland oo Ka Hadlay 30 Kidib Aqoosiga Aay Ka Filanaayeen Caalamka.

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Maamulka goboleedka Somaliland ayaa muddo sannado ah raadinaya aqoonsi rasmi ah , si ay u noqdaan dowlad ka madax-bannaan Soomaaliya inteeda kale , waxa ayna Somaliland ku guul dareesteen in ay wali helaan dal aqoonsada.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in dunnida reer galbeedka ee taageera dimuquraadiyaddu ay ku guul daraysteen inay aqoonsadaan dedaalka iyo guulaha ay Somaliland gaartay.

Cabdiraxmaan Saylici ayaa sheegay in Somaliland ka mid tahay dalalka Afrika ee keligood hirgaliyey kuna guulaystay dimuqraadiyadda, isagoo xusay in Somaliland ay qabsatay shan doorasho oo ay laba ka mid ah ku guulaysteen xisbiyo Mucaarad ahi.

Waxa uu sheegay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland in dalalka Reer Galbeedka ee buunbuuniya dimuqraadiyadu ay si weyn ugu guuldaraysteen in ay aqoonsadaan dedaalka iyo guulaha ay gaartay Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa qarash badan iyo dedaalba ku bixiyay sidii loo aqoonsan lahaa, mana jiro ilaa hadda dal si rasmi ah u aqoonsaday Somaliland, waxaana wali loola macaamilaa maamul goboleed Soomaaliya katirsan.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Caasho koos ”Waxaan ku Baaq in la joojiyo Dagaal Beeleedyada”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Caasho koos ''Waxaan ku Baaq in la joojiyo Dagaal Beeleedyada'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Gen Bashiir Ameeriko Ninka uga Sareeya Sirdoonka Ethiopia ku arkay Gudaha Xalane

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Gen Bashiir Ameeriko Ninka uga Sareeya Sirdoonka Ethiopia ku arkay Gudaha Xalane HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA