Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

MADAALE oo guddoomiye cusub u magacaabay degmada kaaraan.

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday guddoomiyihii degmada Karaaan Abshir Kaaraan , halka uu guddoomiye cusub u magacaabay degmadaasi.

Sida aan xogta ku helnay guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa guddoomiyaha cusub ee degmada Kaaraan u magacaabay sargaal katirsanaa ciidanka booliiska oo lagu magacaabo gaashaanle Faarax Cadaani Maxamed .

Sargaalkan loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Kaaraan ayaa horey usoo noqday taliyaha ciidanka booliiska ee saldhigyada degmada Yaqshiid iyo sidoo kale deegaanka Daarusalaam.

Degmada Kaaraan oo kamid ah degmooyinka ugu ammaanka xun gobolka Banaadir ayaa muddo sannado badan ah waxaa guddoomiye ka ahaa nin lagu magacaabo Abshir Kaaraan, kaa oo awood badan ku lahaa degmadaasi.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa hadda bilaabay in isbadal ku sameeyo qaar kamid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana la filayaa in maalmaha soo soca xilka ka qaado guddoomiyaal kale.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA