Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Maxeey Ka Wada Hadleen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay Shir laba-geesood ah?

Talaado 7 May, 2024 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay shirka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, ayaa xoogga ku saaray xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada ka dhexeysa labada dal, iskaashiga gobolka ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka, iyo sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay kaalin firfircoon ka qaadato isku xirnaanta Bariga Afrika

Kulanka oo ay ka qeyb galeen xubno ka socday labada dowladood oo ay kala hoggaaminayeen Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dalkaas Mudane Rigathi Gachagua, ayaa ahaa mid daba-socday heshiisyadii ay shalay wada gaareen labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu adkeeyay sida wadahadallada labada geesoodka ah ee (JCC) ay u yihiin saldhig wanaagsan oo lagu sii xoojin karo xiriirka labada dal, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay horumarka wadahadallada iyo heshiisyada la gaarayo.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay Ra’iisul Wasaaruhu saameynta taban ee isbeddelka cimilada oo labada dalba saameeyay, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Madaxweyne ku-xigeenka Kenya Mudane Rigathi Gachagua, ayaa yeeshay kulan gaar ah oo lagu xoojinayey xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal.

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

{DAAWO MUUQAALKA} Cabasha ka timid heshiis dhex maray ceelasha biyaha iyo Xaafad ku taal Muqdisho oo biya la’aani…..

Axad May, 19, 2024 (HMC) Cabasha ka timid heshiis dhex maray ceelasha biyaha iyo Xaafad ku taal Muqdisho oo biya la'aani..... HOOS KA DAAWO MUQAALKA...

WARARKA