Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

qaxootiga Sudaan ee gudaha Itoobiya oo billaabay in ay isaga cararaan Itoobiya kadib marki…

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Muwaadiniinta dalka Suudaan ee qaxootiga ku ahaa gudaha Itoobiya ayaa billaabay in ay isaga cararaan Itoobiya kadib markii ay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan oo halis geliyay nolashooda.

Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ka cararay xero qaxooti oo ku taalla Waqooyiga Itoobiya kadib makii lagula kacay dhac, handadaad iyo weeraro joogta ah oo ay geysanayaan ciidamda dowladda Itoobiya iyo kooxo hubeysan oo aan la garaneyn waxa ay yihiin.

Laamaha amniga Itoobiya oo waayadii dambe loo haystay caburinta muwaadiniinta iyo iska hor keenka qowmiyadaha dalkaasi ayaa gabay howshii loogu tala-galay ee sugidda amniga dadka ku nool gudaha Itoobiya oo ay ku jiraan qaxootiga.

In ka badan 7,000 oo qaxooti ah ayaa qorsheynaya in ka baxaan xerada qaxootiga ee Comer kadib markii ay waayeen ciidamo suga amnigooda iyada oo qaarkood laga dhacay wixi yaraa ee ay heysteen.

Waxaa sidoo kale adkaatay in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo dadka dhibaateysan iyada oo la dhacay kaalmadii loogu tala galay qaxootiga.

Sida ay sheegtay warbaahinta Suudaan, laga soo bilaabo bishii December ilaa Janaayo, ciidamada Itoobiya ayaa kufsaday afar gabdhood, waxaana sidoo kale jira dhac iyo afduub loo geystay shacabka Suudaan ee ku nool gudaha Itoobiya.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee (UNHCR) ayaa dhankeeda sheegtay in qiyaastii 27,000 oo qaxooti Suudaan ah ku nool yihiin gobolka Amxaarada, iyada oo ay sidoo kale 20,000 ku jiraan xerooyin qaxooti oo ku yaal Benishangul-Gumuz.

{DAAWO MUUQAALKA}Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kormeer ku tegay deegaana dhawaan lagu dagaalamay

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kormeer ku tegay deegaana dhawaan lagu dagaalamay HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/RS_gJXGsRfU

{DAAWO MUUQAALKA} Kenya iyo Uganda oo walaac weyn ka muujiyay bixitaanka ciidamada ATMIS

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Kenya iyo Uganda oo walaac weyn ka muujiyay bixitaanka ciidamada ATMIS https://youtu.be/dyWPG_EgdxY

WARARKA