Thursday, June 13, 2024
spot_imgspot_img

Wasiir Fiqi oo sharaxaad dheerad ah ka bixiyay heshiiska ay wada galeen soomaliya iyo kenya.

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa shalay magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiisyo ay ka mid yihiin iskaahsiga difaaca, amniga, iyo ganacsiga.

Heshiisyadaan ayaa daba socda booqashadii uu shalay Nairobi ku tegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, waxaana faahfaahin ka bixiyey wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Wasiir Fiqi oo la hadlay Idaacadda VOA wuxuu ka mid ahaa wasiirradii wax ka saxiixay heshiisyada lagu gaaray Nairobi, wuxuuna bulshada Soomaaliyeed faahfaahin ka siiyey qodobada ay saxiixeen.

Heshiiskaan ayaa dhacay saddex shir kadib, waxaana heshiisyada la galay ay kala quseeyaan, qeybna ka ahaa dhinacyadii saxiixay wasaaradaha, Gaashaandhigga, Ganacsiga, Waxbarashada, Amniga, Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Kalluumeysiga iyo Arrimaha Dibadda.

“Arrimaha dibadda waxaa lagu heshiiyey in dalba dalka kale uu garab ka siiyo caqabadihii soo wajaha, dhanka gaashaandhigga iyo amniga waxaa diiradda la saaray fududeynta isku socodka bulshada iyo la dagaalanka argagixisada, waxaana la magacaabay labo guddi oo loo xil-saaray inay ka soo shaqeeyaan arrimahaas,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale Fiqi ayaa sheegay in bisha 6-aad uu soo dhamaanayo shaqada guddiga loo xil-saaray iskaashiga gaashaandhigga, halka guddiyada loo xil-saaray isku socodka dadka, sida amniga iyo fududeynta safarrada dhulka ah iyo Fiisaha ay soca doonaan ilaa bisha October.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Sooaamliya u saxiixay heshiiskan, halka uu Kenya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Musalia Mudavadi, heshiisyadan Is-afgarad ee ay gaareen labada dal, ayaa kor loogu qaadayaa xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Waxbarashada Kenya Mudane Ezekiel Machogu, ayaa kala saxiixday Heshiiska Is-afgaradka oo ku saabsan Iskaashiga Waxbarashada, Tababarka iyo Cilmi-baarista, kaas oo kor loogu qaadayo xoojinta iskaashiga dhinaca waxbarashada ee labada dal.

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, uu ku joogo dalka Kenya ee la xiriira adkaynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada badan leh.

{DAAWO MUUQAALKA} Askarigii Dhawacay Taliyahiisa oo Xariir Jaceyl Maxkmada lagu Keenay Asiga oo Baxsad ahaa.

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Askarigii Dhawacay Taliyahiisa oo Xariir Jaceyl Maxkmada lagu Keenay Asiga oo Baxsad ahaa. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasaaradda Amniga XFS oo guddi gaar ah u xilsaartay sugidda amniga hey’adaha fulinaya Udxiyada.

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Wasaaradda Amniga XFS oo guddi gaar ah u xilsaartay sugidda amniga hey’adaha fulinaya Udxiyada. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA