Monday, May 20, 2024
spot_imgspot_img

Dowlada Britain oo ceyrisay diblomaasiyiin Ruush ah

Arbaco-08-may -2024 {HMC}  – Ingiriiska ayaa goor dhow ku dhawaaqay tallaabooyin ka dhan ah Ruushka , kaddib markii xog-hayaha arrimaha gudaha Ingiriiska, James Cleverly uu sheegay inay dalkooda ka cayrinayaan u-qaybsanaha difaaca ee safaaradda Ruushka oo ay ku sheegeen inuu yahay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka militariga Ruushka.

 

Tallaabooyinka kale ee Ingiriiska uu maanta ku dhawaaqay waxaa ka mid ah dhismayaasha qaar ee ay adeegsato safaaradda Ruushka inay ka saari doonaan heerka ama hab-maamuuska diblomaasiyadda, gaar ahaan qaybaha difaaca iyo ganacsiga oo lagu sheegay inuu Ruushka u adeegsado goobo basaas, taa oo ka dhigan in baaritaanno lagu sameyn doono, maaddama xasaanadii ilaalinaysay ee diblomaasiyadda laga qaaday.

 

Waxaa intaa dheer in la xaddiday muddada ay Ingiriiska joogi karaan diblomaasiyiinta Ruushka, ujeeddada go’aamadan oo dhan loo qaatay waxaa lagu sheegay dhaqdhaqaaqa Ruushka ee gudaha Ingiriiska.

 

Go’aanka maanta ka soo baxay Ingiriiska, waxaa loo qaadanaya heerkii u sarreeyay ee khilaafka labada dhinac , tan oo ku soo aaday xilli shalay wakiilka Ingiriiska ee Moscow looga yeeray wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka, iyadoo markaa si cad loogu sheegay inuu Ruushka u qaadanayo bartilmaameed sharciga ah saldhigyada Ingiriiska , haddii hubka Ingiriiska ay Ukraine ku soo weerarto dhulka Ruushka oo ay ka dhalato khasaaro iyo halis amni.

 

Reer galbeedka iyo Ruushka waxay qaadanayaan sannad xun, oo halis galinaya iskahorimaad dhexmara, xilli Ruushka uu sameynayo dhoola-tus nukliyeer, oo looga jawaabayo taageerrada Ukraine iyo hanjabaada reer galbeedka ee ka dhanka ah Ruushka.

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomaaliya oo Xabsiga dhigay Dhalinyaro Caan ka ah Baraha Bulshada.

Axad 19 May 2024 {HMC} Howgal qaatay muddo 24 saac ah ayeey Ciidanka Boliiska Qeybta Guud kusoo qaqabteen dhalinyaro tiradoodu gaareyso 21 ruux kuwaas...

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

WARARKA