Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kawada hadlay arrimaha dalxiiska.

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacco’ Coppi.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo Danjiraha dowladda Talyaaniga ayaa kulankooda kaga wadahadley xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga ee dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska.

Wasiirka ayaa si gaar ah u dul istaagey qorshaha dowladda ee horumarinta dalxiiska, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in la furo machad lagu barto culuumta dalxiiska, taas oo qeyb ka ah mashruuca heer qaran ee dib u soo nooleynta dalxiiska iyo in la abuuro fursado shaqo oo ay ka dhalinyarada ka faa’iideystaan.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis ayaa sidoo kale Safiirka Talyaaniga uga warbixiyay xaaladda dalka ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarka adeegyada kala duwan ee ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso.

Danjiraha Talyaaniga Mudane Pier Coppi ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya sameyneyso, dowladdiisuna ay si buuxda u garab taagan tahay hawlaha muhiimka ah ee ay hayso Dowladda Soomaaliya, isagoo dhanka kalena xusay in Talyaaniga uu taageersan yahay madaxbanaanida, qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA