Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Federalka Soomaaliya oo beenisay eedeyntii Amnesty International

Arbaco-08-may -2024 {HMC} MUQDISHO — Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u beenisay warbixin hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ay shalay ku sheegtay in duqeymo mataano ah ay fuliyeen militariga Soomaaliya oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, lagu dilay dad rayid ah bishii March.

 

Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in duqeymahan oo dhacay 18-kii bishii Maarso lagu weeraray beer ku taal agagaarka tuulada Baqdaad ee koonfurta gobolka Shabeellaha Hoose, ayna ku dhinteen 23 qof oo rayid ah, kuna dhaawacmeen 17 kale oo caruur u badan,

 

Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya ayaa qoraal uu soo Saaray ku yiri “Ma hayno illaa hadda xogo ku saabsan in hawlgallada ciidamada ay Wwaxyeelo kasoo gaartay shacabka, waana waajib na saaran dawlad ahaan in aan hubino badqabka muwaadiniinta xilli kasta.”

 

Al-Cadaala ayaa qoraalkaasi ku sheegay in ciidamada Soomaaliya uu halbeeggooda koowaad yahay “xaqiijinta inaan waxyeello soo gaarin shacabka.”

 

Hay’adda Amensty International ayaa warbixinteedii shalay ku sheegtay in dadka deegaanka ay u sheegeen in “weeraradii ay fuliyeen diyaaradaha drone-ka TB2 ay daba socdeen dagaal culus oo dhanka dhulka ah” oo u dhexeeyay al-Shabaab iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA