Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

La-taliyaha amniga ee madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Ka hadlay maareynta hubka Soomaaliya

Arbaco-08-may -2024 {HMC}  – Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay shirkii ugu horeeyey ee maareynta hubka Soomaaliya, tan iyo markii dalka laga qaaday cunaqabateynta Hubka.

 

Shirkaas oo labo maalmood ka socday Muqdisho ayaa lasoo gabagabeeyey galabta, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo xubno sare oo ka socday beesha caalamka.

 

Xafiiska Amniga Qaranka oo madax uu ka yahay la-taliyaha amniga ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Xuseen Macalin ayaa hogaaminayey quburada Soomaaliyeed ee shirkaas ka qeyb gashay.

 

Xuseen ayaa faahfaahin ka bixiyey shirkii maanta lasoo gabagabeeyey maanta, wuxuuna sheegay in shirkaan uu qeyb ka yahay qorshayaasha Soomaaliya ay ku xakameyneyso hubka, iyadoo beesha caalamka ay la wadaageen, sida ay Soomaaliya isugu filan tahay arrimaheeda hubka.

 

“Cunaqabateyntu waxay aheyd howl markii hore ay masuuliyadeedu naga dadbaneed oo dad kale u taalay, balse anaga markii aan ku guuleysanay in caalamka aan ku qancino inaan isku filanahay, waxay noqotay guul weyn oo muujineysa inaan dib ula soo noqonay gobnimadeenii,” ayuu yiri la-taliyaha amniga qaranka.

 

Wuxuu sheegay in hadda uu bilaabanayo qorshe lagu soo dhisayo heer ay dowlad goboleedyadu kula jaanqaadi karaan hanaanka xakameynta hubka ee dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo meel fiican maraya.

 

Xuseen Macalin ayaa ku dheeraaday sharaxaada sida dadka Soomaaliyeed ee reer miyiga u badan ay hubka u heystaan, iyadoo hadda lama huraan ay tahay in dadkaas laga dhaadhiciyo inuu hubka dhigo oo dowladda ku wareejiyey, isla markaana uusan u baahneyn inuu isku ilaaliyo hadda kadib.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA