Monday, May 20, 2024
spot_imgspot_img

Maxeey Tahay Sababta uu Ciidanka u qortay Xerowga loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya?

Arbaco-08-may -2024 {HMC}  Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta Afhayeenka Wasaaradda u magacaabay Xidigle Abuukar Maxamed Xasan, kaddib markii xilka laga qaaday Afhayeenkii hore Janaraal Cabdillaahi Cali Caanood.

Kahor xilka maanta loo magacaabay, waxa uu ahaa Madaxa Wacyigelinta Ciidanka Soomaaliya, isagoo taa ku muteystay fahamka iyo aqoonta uu u leeyahay culuumta diinta.

Ciidamada dawladdu waxa ay dagaal kula jiraan al-Shabaab oo dagaalkeeda u isticmaasha aragti ah in ay u dagaalamayso diinta Islaamka, balse xidigle Abuukar ayaa tagi jiray furimaha dagaalka isagoo wacyigelin u sameyn jiray ciidamada miltariga, si uu ugu sheego in ay yihiin ciidanka saxda ah ee difaacaya dalka iyo diinta.

 

Muuqaallo kala duwan ayaa laga soo qaaday isagoo fagaarayaal kala duwan kula hadlaya ciidamada Soomaaliya, isagoo u sharaxaya aragtida diinta Islaamku ka qabto dagaalka ay ku jiraan iyo waxyaabaha ay tahay in ay ka fogaadaan maadaama diintu ka reebtay.

 

Mararka qaar isagoo wacyigelinta ciidanka ku jira ayaa waxaa qabsan jiray dagaallo ay soo qaadaan kooxda al-Shabaab, wuxuuna isku garab wadi jiray hawshiisa askarinimo iyo tan wacyigalinta dagaalka.

Afhayeenka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhiga Xidigle Abuukar Maxamed Xasan ayaa BBC-da u sheegay in tiro ka dhawr jeer, isagoo ku jira hawllaha wacyigelinta ciidamada, gaar ahaan kuwa ku sugan furimaha uu qabsaday dagaal uga yimid dhinaca kooxaha dawladda ka horjeeda. Si gaara waxa uu u tilmaamay dagaal ka dhacay deegaanka Daaru Nimca ee gobolka Shabeellaha Dhexe bishii Maarso 2024.

‘’Daaru nimco anoo wacyi galin u wada ciidanka ayaa xabad nagu bilaabatay, kaddibna dagaal adag ayaan la galnay khawaarijta ina soo weerartay, illaa habeenkii ayuuna dagaalku socday, markii dambena shir jaraa’id ayaa ku qabtay halkii dagaalku ka dhacay’’ ayuu yiri Xidigle Abuukar Maxamed Xasan.

Dhulka uu maray ee uu wacyigalinta ugu sameeyay ciidamada Soomaaliya xidigle Abuukar waxa kamid ah Ruunirgood, Tardo, Masagawaay iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxayna dhammaantood kamid ahaayeen deegaannadii laga saaray al-Shabaab sanad kii hore.

Afhayeenka cusub iyo bilowgii xernimadiisa

Xerownimadiisu waxay la bilaabatay yaraantiisii, Muqdisho ayuu ku dhashay 1996-kii, balse waalidkii ayaa geeyay miyiga degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, si uu halkaas ugu barto Quraanka Kariimka, wuxuna ku xifdiyay Quraanka sedex sanno gudahood.

 

Waalidkii waxay dib ugu soo celiyeen Muqdisho 2011-kii markaas oo uu xerow buuxda noqday, isagoo bilaabay barashada culuumta shareecadda.

 

Kutubta uu bilowgiiba masaajiddada uu ka raacday waxa kamid ahaa, kuwa fiqhiga laga bilaabo safinaha illaa minhaajka, kutubta axaadiista, tafsiirka quraanka iyo cilmiga naxwaha.

 

Waxa uu ku biiray 2011 machad islaami ah isagoo shahaadada dugsiga sare ka qaatay, wuxuna wali ku jiraa tacliinta sare isagoo diblooma ka qaatay tarbiyada Islaamka, wuxuna hadda dhigta qaanuunka.

 

Afhayeenka cusub iyo ku biiristiisii ciidanka

Afhayeenka cusub Xdigle Abuukar Maxamed Xasan ayaa ciidanka Soomaaliya ku biiray 2017-kii, wax yar uun kaddib qaraxii Soobe ee lagu dilay dadka ka badan shanta boqol ee qof, isagoo markaa ahaa xerow kutubta diinta raacda.

 

Qaraxa Soobe 1 markii uu dhacay, dhalinyaro badan ayaa qortay ciidanka, iyagoo aad uga xumaaday dadkii shacabka ahaa ee lagu xasuuqay qaraxaasi oo ahaa kii ugu weynaa taariikhda qaaradda Afrika.

 

Dhalintaas ayuu kamid noqday Abuukar, waxana markaa kahor dadku ugu yeeri jireen Sheekh, sababbo la xiriirra sida uu ugu go’ay barashada culuumta diinta.

 

Isagoo BBC kala hadlayay sababta uu ciidanka u qortay, xili uu ahaa ardey ku jira barashada culuumta diinta ayuu sheegay in uu adkeysan waayay, waxa uu ugu yeeray gumaadka lagu hayo shacabka Soomaaliyeed.

 

‘’Sababta aan ciidanka ugu soo biiray waxay ahayd, markaan u adkeysan waayay gumaadka ummaddeena, shacab iyo dawlad lagu hayo, si gaara markaan arkay dhacdadii qaraxii Soobe, waxa ii soo baxday in ay lagama maarmaan tahay in dalkaan aan difaaco anigoo xerow ah’’ ayuu yiri Xidigle Abuukar.

 

Shaqooyinkii uu wax ka qabtay intii uu ciidanka kamid ahaa

Sheekh Abuukar iyo dhalintii kale ee ciidanka qoratay waxa loo sameeyay Guutada 14 Oktoobar oo loogu magac daray maalintii uu dhacay qaraxa Soobe, wuxuna tababarka kaddib guutada ka noqday madaxa wacyigalinta, isagoo ciidanka ku boorin jiray in dagaalka ay ku jiraan uu xaq yahay.

 

Goor dambe waxa laga dhigay taliyaha horinta 3-aad ee ururka 84-aad ee guutada 14-ka Oktoobar.

Muddo kaddib waxa loo magacaabay Madaxa wacygelinta ciidanka Xoogga Soomaaliya, isagoo xilkaa hayay tan iyo maanta oo loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

 

Hawllaha kale ee uu ka qayb qaatay intii uu ciidamada ku jiray waxa kamid ahaa dibu heshiisiinta beellaha degmada Marka oo dagaal u dhaxeeyay, markii guutadan 14-ka Oktoobar la geynayay magaaladaasi 2018-kii.

 

Dagaallo badan ayuu ka qaybgalay kuwaas oo ka kala dhacay Janaale, Awdheegle, Sabiid iyo Caanoole oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Sidoo kale waxa uu ka qaybgalay dagaallo kale oo looga soo horjeedo Al-shabaab oo ka kala dhacay gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomaaliya oo Xabsiga dhigay Dhalinyaro Caan ka ah Baraha Bulshada.

Axad 19 May 2024 {HMC} Howgal qaatay muddo 24 saac ah ayeey Ciidanka Boliiska Qeybta Guud kusoo qaqabteen dhalinyaro tiradoodu gaareyso 21 ruux kuwaas...

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

WARARKA