Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wasaaradda Difaaca oo loo magacaabay Afhayeen cusub.

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilka ka qaaday afhayeenkii Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waxa uuna magacaabay afhayeen cusub.

Qoraal kasoo baxay wasiirka ayaa lagu sheegay in si loo dardargaliyo hawlgallada dib u xoreynta iyo dadaalada socda ee dalka lagaga ciribtirayo Al Shabaab in uu X/le Abuukar Maxamed Xasan u magacaabay Afhayeenka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiirka Gasahaandhigga Soomaaliya ayaa Afhayeenkii hore ee Wasaaradda Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood kaga Mahad-celiyay shaqadii uu soo qabtay, waxa uuna ku ammaanay sidii waajibkiisa u gutay muddadii uu xilka hayay.

Sargaalkan loo magacaabay afhayeenka cusub ee wasaaradda Gasahaandhigga Soomaaliya ayaa horey ciidanka ugu qaabilsanaa dhinaca wacyi-gelinta, waxa uuan ahaa nin dhallinyaro oo diinta si fiican u yaqaan aadna u baraarujin jiray ciidanka xoogga.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA