Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Daadad 100 qof ku dilay dalka Brazil

Khamiis -09-may -2024 {HMC} – Roobab mahiigaan ah iyo daadad xoog leh oo ku dhuftay gobolka Rio Grande do Sul ee koofurta Brazil ayaa sababay, dhimashada ugu yaraan 100 ruux, halka 128 kalana wali la la’yahay sida ay saraakiisha xaqiijiyeen.

Fatahaadda oo billaabatay todobaadki hore ayaa burburiyay jidadka waaweyn iyo buundooyinka gobolka Rio Grande do Sul, oo ku yaalla xadka ay Brazil la leedahay dalalka Uruguay iyo Argentina.

Waaxda Difaaca Madaniga ah ee gobolka ayaa sheegtay in ugu yaraan 128 qof lagu la’yahay daadadka, gaar ahaan dadka ku nool agagaarka magaalada caasimadda u ah gobolka ay fatahaaddu aafeysay ee Porto Alegre.

Xarunta qaran ee masiibooyinka Brazil ayaa Arbacadi ka digtay in roobab kale iyo daadad hor leh ay kusoo wajahanyihiin dhinaca koofureed ee gobolka Rio Grande do Sul oo ah gobol ay ku noolyihiin in ka badan 1.3 milyan oo ruux.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA