Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA}RW Xamse oo ka qeyb galay kulan looga hadlayey wada-hadallada Nabadda South Sudan.

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qeyb ka ah kulan looga hadlayey wada-hadallada Nabadda ee South Sudan oo ka socda Madaxtooyada Dalka Kenya, taas oo uu garwadeyn ka yahay Madaxwaynaha Kenya Dr. William Samoei Ruto.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in hannaan nabadeed oo loo dhan yahay uu xal-waara u noqon karo xasilloonida Koonfurta Suudaan, taas oo haddii ay sii socoto saameyn ku yeelan karta nabadda guud ee dalalka geeska afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey dadaallada socda ee lagu soo afjaro colaadda Koonfurta Suudaan.

Wuxuu dhinacyada ugu baaqay inay ka shaqeeyaa xasilloonida dalka, wixii colaad ahna lagu dhammeeyo wada-hadal.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA