Monday, May 20, 2024
spot_imgspot_img

Dab Xoogan oo Ka Kacay Suuq Ku Yaalo Hargeeyso

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab maanta ka kacay suuq ku yaalla bartamaha magaalada Hargeysa, kaas oo ay kuu guuleysteen inay damiyaan ciidanka dab-damiska Somaliland oo faah-faahiyay sida ay wax u dhaceen.

Dabka ayaa ka kacay suuqa hoose ee degmada 26 June, wuxuuna ka kacay mehrad ganacsi oo ku taalla halkaasi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay ciidanka Dab-damiska.

“Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo damiyay Dab ka kacay meherad ku taala suuqa hoose ee degmada 26 june oo lagu magacaabo ZamZam Solar Tech” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ciidamada Dab-damiska oo qaaday howlgal deg-deg ah ayaa isla markiiba damiyay dabkaas, kahor inta uusan ku fidin xarumaha kale ee ka agdhowaa goobta uu ka kacay, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, waxaana la bad-baadiyay hantida ganacsatada.

“Hawlgal adag kadib Ciidanka ayaa damiyay dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey meheradii gubatay iyo meheradihii u dhawaa, waxaana badbaaday dhamaan mehradihii ka ag dhawaa” ayaa la sii raaciyay qoraalka.

Dhinaca kale ciidanka Dab-damiska maamulka Somaliland ayaa baaq u diray shacabka iyo ganacsatada oo ay ka dalbadeen inay soo wargeliyaan kahor inta uusan waynaan dabka.

“Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay soo sheegaan dabku intuu yaryahay, sidoo kale ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab, khaasataan korontada” ayaa lagu yiri farriinta loo diray bulshada.

Waxaa kale oo lagu yiri qoraalka “Hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom/Somtel 24 ka saacadoodba”.

Somaliland waxaa horay dab xoogan uu ka kacay suuqa wayn ee Waaheen, kaas oo gebi ahaan basbeelay, waxaana ka dhashay khasaare hantiyeed oo baaxad leh & burbur xoogan.

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomaaliya oo Xabsiga dhigay Dhalinyaro Caan ka ah Baraha Bulshada.

Axad 19 May 2024 {HMC} Howgal qaatay muddo 24 saac ah ayeey Ciidanka Boliiska Qeybta Guud kusoo qaqabteen dhalinyaro tiradoodu gaareyso 21 ruux kuwaas...

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

WARARKA