Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

DFS oo ka codsatay Qaramada Midoobay in la joojiyo shaqada xafiiska UNSOM

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC}  Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga codsatay Qaramada Midoobay Joojinta Shaqada Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta ee Soomaaliya {UNSOM}.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda dowladda, waxayna dowladdu sheegtay inay door bideyso madax-bannaanida horumarkeeda mustaqbalka.

“Ka dib markii aan si qoto dheer u tixgalinay muhiimada istaraatiijiga ah. Waxaan jeclaan lahayn inaan muujinno in hadda ay habboon tahay in loo gudbo wejiga xiga ee booskayaga. Waxaan kalsooni ku qabnaa in aan sii wadi doono dadaalladayada ku aaddan joogteynta nabadda iyo barwaaqada,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, waajibaadka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku eg yahay marka la gaaro dhammaadka bisha Oktoobar 2024.

Warkaan ayaa kusoo beegmay, xilli wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay shaqada ka tagayso, ka dib muddo hal sano ah oo ay xafiiska joogtay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA