Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa Ka Jiro in Tigrey ay qeyb ka yihiin dagaalka sukeeye ee ka socda Sudan?

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC}  Maamulka Tigrey ee ka arrimiya waqooyiga dalka Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in ay qeyb ka yihiin dagaalka sukeeye ee ka socda dalka Sudan , kaa oo u dhaxeeya ciidanka milatariga iyo ciidanka kale ee gurmadka deg dega ee RSF.

Taliska ciidamada RSF ee dagaalka kula jira milatariga Sudan ayaa ku eedeeyay ciidamada Tigrey in ay qeyb ka yihiin dagaalka ayna garab siinayaan ciidanka milatariga, waxa ayna RSF sheegeen in ay hayaan caddeymo muujinaya in TPLF qeyb ka yihiin dagaalka.

War kasoo baxay maamulka Tigrey ayaana lagu beeniyay eedeynta uga timid ciidamada RSF, waxa ayna sheegeen ciidamada daacada u ah TPLF in aysan wax shaqo ah ku laheyn dagaalka ka socda dalka Sudan.

Maamulka Tigrey ayaa sheegay in ay qorsheenayaan sidii ay guryahooda ugu soo celin lahaayeen boqolaal kun oo kasoo jeeda qowmiyada Tigrey, kuwaa oo gudaha Sudan u qaxay xilligii uu dagaalka ka socday gobolka Tigrey.

Eedeyntan kasoo yeertay ciidanka RSF ayaa imaaneysa xilli ay jiraan tuhuno la xariira in rag badan oo calooshood u shaqeestayaal ah kana soo jeedaan dalal kala duwan qeyb ka yuhiin dagaalka Sudan ka socda, iyaga oo u dagaallamaya dhinacyada is haya.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA