Monday, May 20, 2024
spot_imgspot_img

Muxuu Ahaa Codka Sirta ah ee Xildhibaan Xaadoole laga duubay ee uu ka jawaabay?

Khamiis -09- may -2024 {HMC} – Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka jawaabay eedeyn looga jeediyey baraha bulshada ayaa isagoo careysan shir jaraa’id ku qabtay goobtii lagu aasay Dhamme Sayid-cali Cabdi oo ahaa sarkaal ka tirsan militeriga, isla markaana dhowaan lagu dilay Muqdisho, kadib is rasaaseyn ka dhacday gurigiisa oo Boondheere ku yaallay.

Xildhibaan Xaadoole ayaa sheegay in cod sir ah uu ka duubay in dibadda jira oo soo wacay, kaas oo kula dooday sababta uu uga aamusan yahay dilka Sayid-cali, isagoo sheegay inuu ugu jawaabay “Waryaa waa nagala dhima jiraye orod buuqa igala tag.”

Xaadoole ayaa sheegay in hadalkaas in laga duubaayo uusan ku tala gelin, balse uu qiyaamay qofkii uu la hadlaayey ee qaraabadiisa ka tirsanaa, wuxuu sheegay in hadalkaas uusan xumaan kala jeedin, isla markaana bilow ilaa dhamaad uu ku howlanaa cadaalad u raadinta sarkaalka la dilay.

Markii ay joogto qadiyadda beesha ama metelaada dadka ku heybta ah, Xaadoole wuxuu ku faanay in qof uga wanaagsan aysan jirin, isagoo sheegay in Sayid-cali ay ahaayeen qaraabo dhow, sidoo kalena uu u ahaa sarkaal militeri ah oo uu ku tashado, hadii cadow soo weerarana ka fujin kara.

Garnaqsigaas kadib, Xaadoole wuxuu faahfaahiyey sida loo xaliyey arrinta Taliye Sayidcali, wuxuu sheegay in ugu dambeyntii xalay uu Taliyaha NISA ogolaaday inuu diyo bixiyo, taas oo ah boqol geel ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in baaritaan la sameeyey lagu ogaaday in taliyaha ay dileen ciidan howlgal ku jira oo 31 nin ah, kuwaas oo amar heystay, isla markaana aysan jirin cid Sayidcali toos u toogatay ee goob is-rasaaseyni ay ka socotay uu ku soo baxay, sidaasna ay xabad ugu dhacday.

Xaadoole ayaa sheegay in 8 maalmood oo meydka sarkaalkaas uu qaboojiye ku jiray, iyaguna ay ku howlanaayeen cadaalad u raadintiisa, ugu dambeyntiina ay ku guuleysteen inay soo dhiciyaan magtiisa.

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomaaliya oo Xabsiga dhigay Dhalinyaro Caan ka ah Baraha Bulshada.

Axad 19 May 2024 {HMC} Howgal qaatay muddo 24 saac ah ayeey Ciidanka Boliiska Qeybta Guud kusoo qaqabteen dhalinyaro tiradoodu gaareyso 21 ruux kuwaas...

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

WARARKA