Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Taliyaha ciidanka Dhulka oo Baydhabo kula kulmay Saraakiil u dhashay Ingiriiska

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa ku sugan taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Dayax Cabdi Cabdulle, kaa oo howlo shaqo u jooga magaaladaasi.

Generaal Dayax Cabdi uu wehliyo taliyaha qaybta 60-aad Gen Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) ayaa maanta magaalada Baydhabo kula kulmay saraakiil katirsan ciidanka Ingiriiska ee jooga magaalada Baydhabo.

Taliyaashan katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sargaalka hoggaamiya ciidanka Ingiriiska oo lagu magacaabo Lieutenant Colonel Richard , kala hadlay arrimo dhowr ah ay kamid yihiin kordhinta tababarada iyo taageerada ay ciidanka siiyaan .

Lieutenant Richard ayaa u sheegay taliyaha ciidanka Dhulka ee Soomaaliya in ay diyaar u yihiin tayeynta iyo kordhinta tababarada ay siiyaan ciidanka xoogga, waxa uuna sheegay in Soomaaliya u yimaadeen sidii ay u caawin lahaayeen ciidanka xoogga dalka.

Magaalaa Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa ku sugan saraakiil iyo ciidamo u dhashay dalka Ingiriiska, kuwaa oo tababarao joogta ah siiya ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA