Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Beeralayda basasha ee Godey ee DDS oo ka cabanaya cudur Cusub oo ku dhacay basasha

Jimco, 10 May, 2024 {HMC} Wararka ka imaanaya Dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan magaalada Godey ayaa sheegaya in Beeralayda Basasha ee Godey uu soo wajahay cudur lagu magacaabo Marooriye, kaas oo ku dhacay basashii ay beeralaydu tabcadeen isla markaana ka yeelay basashii mid aan la isticmaali karin.

Cabdiqani oo kamid ah beeralayda uu cudurkani saameeyay ayaa Warbaahinta u sharxay qaabka uu cudurkani basasha ugu dhaco isagoo yiri ” Basashu waa geed yar oo sida cowska oo kale ah Dabaysha iyo roobka socda ayaa qaloocinaya markaas ayay dhacaysaa xididkana way ka qalalaysaa kadibna way jabaysaa, markaa basashii la rabay inay kor u baxdo oo ay hoos usoo laabato kaddibna badhi yeelato ayaa dhexda ka jabaysa oo way dhimanaysaa ”

Xukuumadda Dowlad degaanka Soomaalida ayaa dhinaceeda waxay beeralayda usoo direen dawooyin kahortag un ah maadaama sida la sheegay aysan wax dawo ah lahayn basashu haddii uu cudurkani ku dhaco, balse la helayo dawooyin lagu buufiyo beerta ka hor intaan cudurkani ku dhicin beerta.

Beeralayda ay arrintani saamaysay ayaa dhinacooda sheegay in cudurkani uu aad u saameeyay beerahoodii isla markaana uu khasaare laxaad leh gaarsiiyay, waxayna Dowladda ka codsadeen in gurmad degdeg ah lala soogaaro maadaama uu cudurkani ku fidi karo basasha inta u hadhay.

Cudurkan ayaa ah mid ku cusub degaanka Soomaalida oo sida la sheegay aan horey loogu arag degaanka, maadaama haddii horey loogu yiqiinay degaanka ka hortag badan lasameyn lahaa.

Magaalada Godey oo ah caasimadda labaad ee degaanka Soomaalida ayaa waxay caan ku tahay dhanka beeraha, waxaana magaalada mara Wabiyo waawayn oo dadka u sahlaya inay si dhib yar beero u samaystaan, khudaarta iyo noocyada kale ee raashinka laga isticmaalo Dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxay kasoo go’aan magaalada Godey.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA