Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dadka reer Qasa oo qarka u saaran in ay waayaan adeeg caafimaad

Jimco, 10, May, 2024 {HMC} Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa sheegay in in ka badan hal milyan oo qof oo gabaad ka dhiganaya koonfurta magaalada Qasa ay halis ugu jiraan in ay waayaan daryeel caafimaad ka dib markii milatariga Israa’iil ay bilaabeen hawlgal “xooggan” oo ka dhan ah Xamaas.

Isbitaalka ugu weyn saddexda isbitaall ee qayb ahaan shaqeeya ee magaalada, Abu Yuusuf al-Najjar, ayaa si degdeg shaqdiisu u istaagtay ka dib markii shaqaaluhu ay heleen amar ku saabsan in ay meesha isaga tagaan iyo dagaallo ka ag dhacayay.

Xaaladaha isbitaallada Qasa ayaa sii xumaaneysa sababo la xiriira koronto la’aan biyo yari iyo ammaanka oo ah mid halis ah.

Sidoo kale waxaa xiran waddooyinka soo gala isbitaallada taas oo xaaladda ka sii dhigtay mid adag.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA