Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Israa’iil oo ku gacan-saydhay go’aan ka soo baxay Maraykanka

Jimco, 10, May, 2024 {HMC}  Israa’iil ayaa Khamiistii ka soo horjeesatay go’aanka uu qaatay Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ee uu ku hakiyey shixnad hub ah oo loo waday Israa’iil, isaga oo ka walaacsan hawlgalka Milateri ay Israa’iil qorshaysay inay ku qaaddo magaalada Rafah, kaas oo Maraykanku uu sheegay inaanu taageersanayn.

Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay Gilad Erdan ayaa tallaabada uu qaaday madaxweyne Biden ku tilmaamay inay tahay “mi adag oo aad looga xumaado, inay ka soo yeedho, madaxweyne aan abaal u haynay, tan iyo bilawgii dagaalka” ayuu yidhi.

Wasiirka amniga qaranka ee Israa’iil, Itamar Ben Gvir oo ah shakhsi si weyn ugu janjeedha midigta-fog, ayaa bartiisa X, ee hore loogu yaqaanay Twitter, ku sheegay in “Xamaas ay jeceshahay Biden”.

Madaxweyne Biden ayaa habeenimadii Arbacadii, xilli uu waraysi siinayey telefiishanka CNN, wucuu sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono inuu Israa’iil siiyo hubka difaaca, sida rasaasta Iron Dome.

Madaxweynaha ayaa markale ku celiyey, inuu u caddeeyey Israa’iil, haddii ay ku sii adkaysato inay gasho Rafax, inaanu siin doonin hubkii ay hore u siin jireen, si ay ugu isticmaalaan weerarkooda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA