Monday, May 20, 2024
spot_imgspot_img

Israel oo ku Adkeeysaneysa Weerarka Magaalada Rafah

Jimco, 10, May, 2024 {HMC}  Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa waraysi uu siiyay CNN, ku sheegay inuu Mareykanka go’aansaday inay joojiyaan hubka ay ka iibin jireen Israa’iil, haddii ay go’aansato inay ku sii socoto howlgalkeeda Rafah oo ay ku duusho aagga ay dadka rayidka ku badanyihiin. Wuxuu sheegay inay Israa’iil hubka Mareykanka u adeegsanayso inay ku disho dadka rayidka ah.

 

Go’aankan ayaa lagu sheegay inay sare u qaadayso khilaafka Mareykanka iyo Netanyahu oo dhankiisa ku adkaysanaya inay si dhammaystiran ugu duuli doonaan Rafah oo ah halka u dambeysa ee Falastiiniyiinta ay gabaad ka dhigteen, xilligana ay gudaha u galeen taangiyada Israa’iil, halka diyaaradaha ay joogteeyeen duqeynta ay ka gaysanayaan.

 

Saraakiisha Israa’iil, ayaa dhanka kale laga soo xigtay haddii Mareykanka uu ku adkaysto joojinta bambooyinka la hago iyo hubka kale ee uu ka xannibay inay ku qasbannaan doonaan adeegsiga bambooyinka mamnuuca ah in lagu riddo goobaha rayidka ee Dumb Bombs.

 

Bambada Dumb Bombs, looma oggala in lagu rido goobaha ay rayidku degganyihiin, sababto ah ma aha bambo la hagi karo, taa oo gaysata burbur aan qiyaas lahayn , isku darka dhowr bambo oo nooca Dumb Bombs, ayaa ku soo dhawaanaya heer gaarsiisan nukliyeerka oo ah hubka ugu halista badan ee bani’aadamku haysto.

 

CNN waxay soo bandhigtay bishii December ee sannadkii hore inay sirdoonka Mareykanka ay oggaadeen Israa’iil inay u adeegsatay waqooyiga Qasa bambooyinka Dumb Bombs oo lagu naynaaso bambada ‘doqonta ah’, sababo la xiriira sida halista ah ee burburka ay u gaysato, mid ka mid ah goobaha la sheegay inay Israa’iil hubkan ku riday waa xerada qaxootiga ee Maghazi, oo ku taalla Qasa

 

Isla markii ay bambadan ku dhacday xeradan waxaa ku geeriyooday in ka badan boqol qof — dhul ka badan 1 km ayaa sidoo kale dhismayaashii ku yaalay ay burbureen, iyadoo halistaa xasuusan ayay Israa’iil rabta inay ugu hanjabto Mareykanka inay ku ridi doonto bambadan Rafah oo 1 km kasta ay ku noolyihiin in ka badan toban kun oo deggan teendhooyin, taa oo ka dhigan haddii hubkan lagu rido isla daqiiqadiiba inay ka dhalanayso dhimashada tobannaan kun. Dunidana ayaana looga arka Rafah inay tahay goob halis ugu jirta dhiiga ugu badan ee bani’aadamka inuu ku daato

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya Iyo Caalamka 20/05/2024

Isniin 20 May 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya Iyo Caalamka 20/05/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/_qiVx6nwsmE

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda oo ka hadashay Sababta loo xiray Dhalinyaro caan ka ah Baraha Bulshada

Isniin 20 May 2024 {HMC} Dowladda oo ka hadashay Sababta loo xiray Dhalinyaro caan ka ah Baraha Bulshada HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/fhPoXFQT-bk

WARARKA