Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxeey Ka Wada Hadleen Ra”iisul Wasaare Xamza iyo Madaxweyne Ruto?

Jimco, 10, May, 2024 {HMC}– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya, ayaa ka wada-hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, sida uu shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Sida uu goordhoweyd baahiyay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza iyo Ruto ayaa kulankaan diirada ku saaray dhinacayadda ganacsiga, amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah iyo xasilloonida guud ee gobolka.

Kulankaan ayaa ahaa mid mira-dhal ah, waxaana uu imanaya maalmo kadib markii dowladda federaalka Soomaaliya iyo Kenya ay qalinka ku duugeen heshiisyo dhowr ah, oo qeyb ka ah iskaashiga labada dal.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Xamza oo maalmahan safar shaqo ku jooga caasimada dalka Kenya ee Nairobi ayaa isla maanta kulan la qaatay xildhibaanadda Soomaaliyeed ee ku jiro barlamaanka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dalka, gaar ahaan danaha dadka Soomaaliyeed ee kuwada nool labada dal.

Mudane Xamza ayaa sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay laf dhabarka u yihiin xariirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana ay muhiim tahay sii xoojinta iskaashi ku dhisan isdhaafsiga danaha labada dal.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA