Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Qaramada Midoobay oo wada hadalo ku saabsan mustaqbalka xafiiskeeda UNSOM kula jirta dowladda Soomaaliya

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay, in ay wada hadalo kula jiraan dowladda Federaalka Soomaaliya, ka dib markii Soomaaliya ay dalbatay in meesha laga saaro jiritaanka xafiiska (UNSOM).

Afhayeenka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Ari Gaitanis, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay raacaan tilmaamaha Golaha Ammaanka, wuxuuna xusay inay mar walba ka go’an tahay inay iskaashi la yeeshaan oo ay taageeraan dowladda Soomaaliya.

Ari Gaitanis wuxuu sheegay, in labo sano ka hor uu xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya sameeyay dib u eegis ku talinaysay in la sameeyo marxalad kala guur ah oo laga guurayo UNSOM, loona guurayo kooxda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Golaha Ammaanka ay taageereen natiijada dib u eegistaas.

Afhayeenka UNSOM waxa uu iska fageeyay in xafiiskooda uu faragalin ah ku hayo siyaasadda arrimaha gudaha Soomaaliya, taasoo lid ku ah qaranimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.

“Mar walba taageeradeena waxaa weeye, qorshe ay Soomaalidu hoggaan ka tahay. Marka laga hadlayo dhalleecayntana, waxba kama sheegi karo inaan dhaho mooyee, waxaan halkaan u joognaa taageero iyo gacan siin, si kastoo aan u awoodno,” ayuu yiri Ari Gaitanis.

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga codsatay Qaramada Midoobay Joojinta Shaqada Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta ee Soomaaliya (UNSOM).

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda dowladda, waxayna dowladdu sheegtay inay door bideyso madax-bannaanida horumarkeeda mustaqbalka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA