Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Qaxooti Suudaan dagaallo ka cararay oo mar kale ka baxsanaya dalkii ay miciinka bideen

Jimco, 10, May, 2024 {HMC} Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay “aad uga walaacsan tahay” qaxootiga Suudaan ee ka soo cararaya xeryahooda ku yaal woqooyiga galbeed ee Itoobiya sababo dhinaca ammaanka ah.

Bayaan ay soo Saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, ayaa lagu sheegay in ku dhawaad kun qof oo qaxooti ah ay ka qaxeen xero la dajiyay oo lagu magacaabo Awlala oo ku taal gobolka Amxaarada halka ugu yaraanna saddex boqol oo kalena ay ka tageen xero kale.

Qaxootiga ka soo guuray xeryahooda ayaa ku sugnaa ” meel u dhow waddo” sida lagu sheegay bayaanka.

Qaxootiga  ayaa horay u sheegay in tirada dadka ka cararay xeryahooda ay gaari karto ilaa 7000 kun oo qof.

Qaramada Midoobay ayaa intaa ku dartay in tallaabada ay qaadeen qaxootiga ay daba socoto “warbixinno dhowr ah oo ku saabsan dhacdooyin amni, oo ay ku jiraan dambiyo, xatooyo, dhac hubeysan, toogasho iyo afduub la sheegay in laga halkaa.

Gobolka Axmaarada ee Itoobiya ee horey u marti galiyay qaxootiga Suudaan ayaa hadda waxaa uu ku jiraa xaalad degdeg ah oo ka dhalatay iskahorimaadyo hubaysan oo u dhexeeya maleeshiyaad deegaanka ah iyo ciidanka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA