Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ku dhawaad 150 qof oo ku dhintay daadadka ku dhuftay Dalka Brazil.

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Ugu yaraan 125 qof ayaa ku dhintay guud ahaan gobolka Rio Grande do Sul ee dalka Brazil., iyadoo magaalooyin badan ay biyuha iyo daadadku gooyeen, rajada laga qabo in la helo in ka badan 140 qof oo weli la la’yahay ayaa sii yaraaneysa.

Inta badan Caasimadda gobolka Porto Alegreaxaa mugdi ka dhigayfatahaada, taasi oo waxyeelo u geysatay xarumaha korontada iyo biyaha, sidoo kale dadka deegaanka ayaa intooda badan ay ku dhacday biyo la’aan

“Markii aan shaqada aaday isniintii, wali waxaan mari karayay waddada biyaha badan aniga oo baabuurkeyga wata. Galabtii, ciidanku waxay dadka ku badbaadinayeen gawaarida xamuulka ah,” ayay tiri Magda Moura oo degan Porto Alegre.

Waa maalintii ay daadadku burburiyeen qaybo ka mid ah koonfurta Brazil oo ay biyhu gooyeen dhismihii ay ku noolayd.

“Arbacadii, biyuhu waxay gaareen [dherer] 1.7m (5ft 6in),” ayay sheegtay

45-jirkan ku taqasusay daweynta jirdhiska ayaa ka mid ah 408,100 qof oo ku barakacay daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka Rio Grande do Sul ee dalka Brazil.

XIGASHO BBC

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA