Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Gabar Ardayad eheed oo Lagu Toogtay agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho,

Talaado-14-May-2024 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho maanta ka dhacday agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, taas oo loo gaystay gabar ardayad ahayd oo mareysay waddadaas, sida ay xaqiijiyeen ehellada.

Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray Muno Maxamed Xiirey ayaa waxa ay ku dhimatay rasaas ay fureen ciidamo ka tirsan dowladda, xill ay marayeen Warshadda Caanaha.

Gabadhan oo 22 sano jir ahayd ayaa goobta ku geeriyootay, waxaana baxsaday askartii ka dmabeysay falkaasi, sida ay sheegeen ehellada iyo dadka deegaanka.

Nabadoon u hadlay ehellada ayaa ka warbxiyay sida ay uga dhaceen dilka gabadhooda, wuxuuna sheegay in lagu dilay meel ay Kaamirooyin ku xiran yihiin, ayna rabaan baaris.

“Gabadhaas waxay ku dhimatay meel Kaamiro leh, meel ay joogaan ciidanka dowladda, si xaq darro ah aa loo dilay, ayada oo nolosheeda cusub tahay ayaa la dilay” ayuu yiri.

Isaga oo ka warbixiyay xaaladdeeda waxbarasho ayuu sheegay in marxuumadda ay sanadkan ka qalin-jabineysay Jaamacadda Soomaaliya, balse saaka la dilay.

“Buuggeeda qalin-jebinta ayay diyaarsaneysay waxa u dhimanaa lama arko, xittaa Jaamacadeeda waxeeda way u dhameystiray” ayuu sii raaciyay.

Ugu dmabeyn wuxuu nabaddoonku sheegay in aysan aasi doonin maydka Muno inta laga soo qabanayo dambiilayaasha, si loo horkeeno cadaaladda.

“Hadda waxay ku jirtaa isbitaalka Madiino, la aasi maayo illaa aan ka helno gacan ku dhiiglayaashii dilay ee xabadda iska riday” ayuu mar kale yiri.

Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar dilal ka gaysta ciidamada dowladda, kuwaas oo ay dhibanayaal u yihiin qoysas badan oo ehelladooda la toogay ama la dhaawacay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA