Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Hadal Ka soo yeeray Xamaas oo aad Uga Naxeen ehelada la haystayaasha Israa’iil>

Talaado-14-May-2024 {HMC}  Abu Cubeyda, oo ah afhayeenka guutada Al-Qassam, garabka militariga ee Xamaas, ayaa ku dhawaaqay in xiriirku dhanka isgaarsiinta uu lumay koox dagaalyahano ah oo ilaalinayay u ahaa afar la haystayaal Israa’iili ah.

Abuu Cubeyda ayaa farriin uu soo mariyay barta Telegram-ka wuxuu ku yiri , “Natiijadii duqeyntii wuxuushnimada Sahyuuniyadda tobankii maalmood ee la soo dhaafay, xiriirkii aan la lahayn koox ka mid ah mujaahidiintayada ayaa go’ay, annaga oo ilaalinayna afar maxbuus oo israa’iliyiin ah, oo uu ku jiro maxbuus lagu magacabo Hersh Goldberg Pauline.”

Dabayaaqadii bishii hore, guutooyinka Al-Qassam ayaa baahiyay muuqaalka Bolin – oo sidoo kale heysta dhalashada Mareykanka – kaasoo uu ku dhaleeceeyay “Dowladda Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inay dayacday maxaabiista, wuxuuna ka dalbaday inay ka shaqeyso sidii loo sii deyn lahaa.

Horey qaar ka mid ah maxaabiista ay haystaan Xamas ayaa waxay sheegeen in ay ku dhinten duqeymaha ay Israa’iil ka waddo marinka Qaza.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA