Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa Ka Jiro in Xamaas Saldhig Aay Ka sameeysaneeyso Turkiga

Talaado-14-May-2024 {HMC} Israa’iil ayaa sheegatay inay gacanta ku dhigtay dukumentiyo muujinaya qorshe ay Xamaas ku diyaarinayso inay saldhig ka sameystaan dalka Turkiga , sida u sheegay wargeyska The Times.

Sida ku cad sheegashada Israa’iil, dukumeenti cinwaankiisu yahay “Saldhig laga dhisayo Turkiga” ayaa laga helay guriga Hamza Abu Shanab, oo ka mid ah gacanyarayaasha Yaxye Sinwar.

Qorshaha ay sheegeen Israa’iil inay arkeen waxaa lagu sheegay inay muujiyeen xarumo ciidan oo u adeegi doona saldhigyo hawlgallo gaar ah oo xoojin kara dagaalyahannada iska caabinta ciidan ahaan, hab diblomaasiyadeed iyo goobo lagu dhiso farsamada iyo moraalka dagaalyahannada.

Qorshaha wuxuu dhigayaa in dalal badan oo gobolka ah laga sameeyo “unugyo ciidan iyo guryo ammaan ah,iyadoo unugyadani ay awood u leeyihiin in ay fuliyaan falal kharibaad iyo dil ah oo ka dhan ah saraakiisha Mossad iyo Israa’iiliyiinta saamaynta leh, kaddib markii ay tababar dheeraad ah ku qaataan saldhigga laga hirgelinayo gudaha Turkiga. Sida ku cad sheegashada Israa’iil, dukumeentiyada waxaa sidoo kale ku jira faahfaahinta xubnaha Xamaas ee loo diri doono Turkiga iyo sida loo maalgeliyo. Israa’iil waxay sheegtay in aan la ogeyn in qorshahaas uu hirgalay iyo in kale.

Israa’iil ayaa doonaysa inay sare u qaadaan eedeymaha ka dhanka ah Turkiga , kaddib markii shalay uu qiray madaxweynaha Turkiga in dagaalyahanno ka tirsan Xamaas lagu daweynayo gudaha Turkiga.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA