Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo saartay go’aanka ku saabsan kiiska Agaasimeyaal Hore.

Talaado-14-May-2024 {HMC} Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa go’aan ka soo saareysa dacwad musuq maasuq oo loo heysto masuuliyiinta dowladda Soomaaliya, gaar ahaan in ka badan 10 agaasime oo ka soo shaqeeyey hey’adda socdaalka, wasaaradda maaliyadda, bangiga dhexe iyo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

Masuuliyiintaan ayaa loo heystaa xatooyo xoolo dadweyne waxayna maxkamadeyntoodu socotay dhowr bilood, iyadoo lagu soo oogay kiisas musuq maasuq oo xasaasi ah.

Guddoomiyaha maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Dabaan ayaa maanta ku dhawaaqay in la soo gabagabeeyey dhageysiga dacwadii loo heystay ragaas, isla markaana ay hadda dhiman tahay in go’aan laga soo gaaro.

Guddoomiye Saalax ayaa sheegay hadda kiiskaan musuq maasuqa ah loo gudbiyey go’aan ka gaaris, isagoo sheegay inay shaaci doonaan go’aanka maxkamadda la gaaro, inkastoo uusan shaacin waqti rasmi ah.

Agaasimayaashii hore ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Korneyl Koofi, Cabdul iyo agaasimihii canshuuraha beriga ee wasaaradda maaliyadda Muxudiin Saabey ayaa ku jira ragga kiiskooda go’aanka laga gaarayo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA