Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Muuse Biixi kulan sagootin ah la qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud QM ee Soomaalia

Talaado-14-May-2024 {HMC} Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan sagootin ah la qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Amb.Catriona Laing oo laga beddelay shaqadii ay hore u haysay ee Qaramada midoobay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa uga mahadnaqay Amb Laing muddadii ay soo wada shaqeeyeen iyo hawlihii muhiimka ahaa ee u dhexeeyey Qaramada midoobay iyo Somaliland ee qabsoomay muddadii ay shaqada gacanta ku haysay.

Dhinaceeda, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Amb. Catriona Laing ayaa madaxweynaha uga mahadnaqday sidii wanaagsanayd ee ay xukuumaddiisu ula shaqaysay muddadii ay xilka haysay iyo sidii xilkasnimada lahayd ee ay usoo wada shaqeeyeen.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Marwo Rooda Jaamac Cilmi.

Dhinaca weftigana waxa ku wehelinaayey Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid tahay Nikolai Rogosaroff, oo ah madaxa xafiiska Hargeysa, Katherine Brooks, Axmed Qalinle, Mustafe Khayre iyo Daahir Maxamed.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA