Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wax Ka Ogaaw Sababta Loo Xiray Dhismihii Ergada Joogtada Liibiya ee QM

Talaado-14-May-2024 {HMC}  Ergayga joogtada ee Dowladda Liibiya u jooga Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York, Daahir Al-Suni , ayaa sheegay in Dhismihii ay deganaayeen loo xiray, sababo la xiriira Kharajka Kiradii Dhismaha oo aan la bixinin.

Qoraal uu Ergaygu u diray Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Midnimada Qaran ee Liibiya, C/Xamiid Al-Dubaybat ( عبد الحميد الدبيبة) ayuu ku xusay in Dhismaha Ergada Jogtada Liibiya ee magaalladda New York la xiray bishan May 1-dii, isla markaana ay joogsatay Hawlihii Ergada Liibiya ee Dhismahaasi .

Waxa uu arrintaasi sabab ugu dhigay Dhaqaale xumi yo wareejin La’aanta Qoondadii Maaliyadeed ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xukuumadda Midnimada Qaran ee Liibiya bixin jirtay, iyadoo Daymaha isbiirsaday kor u dhaaftay 2 milyan oo Dollar.

Ergayga Jogtada ee dalka Liibiya u jooga Xarunta QM ee New York waxa kale oo uu Qoraalkiisa ku xusay inaysan Dibloomaasiyiinta iyo Shaqaalaha Dhismaha Ergadooda wax Xuquuq Mushaar ah helin muddo 6 bilood ah.

Docda kale, Ergayga joogtada ee Dowladda Liibiya u jooga Xarunta Dhexe ee QM ee New York, Daahir Al-Suni, waxa uu ugu baaqay Xukuumadda Midnimada Qaran ee Liibiya inay si degdeg ah u bixiyaan Daynta kor u dhaaftay 2 milyan oo Dollar, lana hagaajiyo Nidaamka Qoondada Maaliyadeed ee Ergada Dibloomaasiyiinta ka hawlgasha Dhismaha Ergada Joogtada Liibiya ee haatan u xiran Kharaj lagu yeeshay.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA