Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Askari horey uga tirsanaajiray Ciidanka Liyuu Boolis oo Meydka laga helay Magaalada Jigjiga

Arbaco, 15, May,  2024 {HMC} Wararka naga so gaarayo magaalada Jigjiga ee Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in magaalada laga helay meydka nin lagu magacaabo Cumar Xuseen Xaashi kaas oo galinkii hore ee maanta isagoo gawracan laga helay xaafadda 16aad ee magaalada Jigjiga.

Lama ogaan wali cidda sida arxan darrada ah u dishay ninkan, balse Ciidanka Booliska magaalada Jigjiga oo soo gaaray goobta lagu arkay meydka marxuumkan ayaa sheegay in baadhis lagu samayn doono meydka, isla markaana natiijada baadhistaas iyo cidda dilka gaysatay dib laga soo sheegi doono.

Ninka meydkiisa laga helay magaalada Jigjiga oo lagu magacaabo Cumar Xuseen Xaashi ayaa horey waxa uu uga mid ahaa Ciidanka Liyuu Booliska, isagoo muddooyinkii u dambeeyay ahaa qof shacab ah, degaan ahaan waxa uu kasoo jeedaa degmada Araarso ee Dowlad degaanka Soomaalida.

Jigjiga ayaa mudooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay dilal kala duwan oo loo gaysanayo dad shacab ah, kuwaas oo badanaa lagaysto ama la fuliyo xilliyada habeenkii walina aan la ogaan cidda rasmiga ah ee dilalkaas gaysta, inkastoo magaalada xaafadaha qaar ay si xowli ah uga jiraan waxa loo yaqaano Jaynaa guruub ama Ciyaal weero.

Dadka ku nool magaalada Jigjiga ayaa falalkan argagaxa leh ee kusoo laalaabtay magaalada Jigjiga ku tilmaamay kuwo aad looga naxo, waxayna Xukuumadda ka codsadeen in arrimahan ay aad ugu soo jeedsato baadhisna ku samayso waxa dilalka gaysanaya, isla markaana xukuumaddu ay xoogga saarto sugidda amniga Shacabka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA