Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIADA} MD ku Xigeenka Hirshabeelle oo Gudoomiyay Shir Looga Hadlayay Amniga

Talaado-14-May-2024 {HMC} Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar {Yuusuf Dabageed} ayaa shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga oo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne.

Kulankan waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Dowladdaha Hoose ee Hirshabelle, Guddoomiyaha gobalka Hiiraan, saaraakiisha booliiska, nabad-sugida iyo kuwa midowga Afrika ee ATMIS.

Waxaa diirrada la saaray kulanka intii uu socday sidii wadajir loogu xaqiijin lahaa ammaanka magaalada iyadoo masuuliyiinta ay mowqif adag ka istaageen dhowrista muwaadiniinta.

“Waa masuuliyad na saaran sugida amniga, kulankan waxa uu ahaa dhammaan dhinacyada howshaas ay ka dhaxeyso mid ay u wada dhan yihiin.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska Yuusuf Dabageed.

Ugu dambeyn ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle ayaa faray masuuliyiinta iyo saraakiisha in la fuliyo dhammaan qoddobadii lagu gaaray shirka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA