Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho iyo Hogaamiyaha SSC Khaatumo.

Arbaco, 15 May 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey fadhiga Labaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka socda Magaalada Muqdisho ayaa warbixin lagaga dhagaystay Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo safar shaqo ku jooga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo soo bandhigay xaaladaha amni iyo bulsho ee deegaannada SSC ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda adkeynta iyo ilaalinta gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya, isagoo kulankan uga mahadceliyey Xubanaha Golaha Wadatashiga Qaranka.

Shirkan waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA